MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

0

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno & mas’uuliyiin kale ayaa barqonimadii maanta gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe DG Hir-Shabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa soo dhoweeyay saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka & Dadka deegaanka oo ah xubnihii ‘AS’ ka qabsaday degmadaas kaddib markii howlgal qorsheysan ay sameeyeen.

Wafdiga Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u kuurgalaya xaaladda Degmada Aadan Yabaal & deegaannada kale ee udhow oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka ee kaashanay dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa horay u tegay degmooyin katirsan Gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe & Galgaduud oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo ‘AS’ laga qabsaday.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay howlgallo ka dhan ah ‘AS’ laga billaabayo Dowlad-Goboleedyada koofur Galbeed & Jubbaland, waxa uu qiimeyn ugu tegay Ciidamada federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedyadaas ee howlgallada loo diyaariyay.