MW Koofur Galbeed oo Guddoomiyaal u magacaabay Gobollada Bay & Bakool.

0

Madaxweynaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyaal cusub u magacaabay Gobollada Bay iyo Bakool, halka uu xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Bakool & ku xigeenkiisa dhanka Amniga.

Xaanshi kasoo baxday Madaxtooyada DG Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in Markii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen dhageystay talo soo jeedin uga timid Wasaaradda Arrimaha Dowlad-Goboleed uu u sameeyay Magacaabista.

Guddoomiyaha Gobolka Bay waxaa loo magacaabay Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Biyaano), halka Guddoomiyaha Bakool uu Madaxweyne Laftagareen u magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed (Tall), ku xigeenkiisa Amniga & siyaasadda waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snike).

Xubnaha uu magacaabay Madaxweynaha DG Koofur Galbeed ayaa intooda badan buuxinaya boosaskii ay ka tageen mas’uuliyiinta Xildhibaannada ka noqday Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka.

Koofur Galbeed ayaa Xildhibaannadii ugu badnaa ee kasoo baxay waxa ay noqdeen mas’uuliyiin katirsan Baarlamaanka, Wasiirada, Maamullada Gobollada, Degmooyinka iyo Xafiisyada Maamulka sida Madaxtooyada.