MW Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Safiirada Turkiga, Qatar, Sacuudiga & Imaaraatka.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulamo waqtiyo is xig-xiga dhacay la qaatay Safiirada Turkiga, Qatar, Sacuudiga iyo Isutagga Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Image

Danjireyaasha 4taan dal u jooga Magaalada Muqdisho ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay Doorashado ka dhacday Caasimadda 15kii May 2022.

Image

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan weli la wareegin Villa Somalia ayaa tan iyo markii la doortay hoygiisa ku qaabilay mas’uuliyiin kala duwan sida: Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Siyaasiyiin iyo Safiirada Dalka ku sugan.

Image

Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ololeeyay in uu xoojinayo xiriirka gudaha iyo caalamiga, waxa uu sheegay in xoogga saarayo “Soomaali Heshiis ah, Dunidana heshiis la ah”.

Image