Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa soo bandhigtay Hub, Bambooyin gaar ahaan nooca gacanta laga tuuro ee loo yaqaan ‘F1’ & Booshka qasnaha rasaasta lagu qaato oo lagu qariyay guri ku yaalla Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.
NISA ayaa soo bandhigtay Haweeney lagu sheegay in ay degen tahay Guriga lagu duugay Hubka & Bambooyinka Gacanta laga tuuro ee lagu soo qabtay howlgallada ay sameeyeen Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya.
Saraakiil katirsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in baaris lagu wado in Haweeneyda lasoo bandhigay balse ma bixin faah-faahin intaas ka badan oo la xiriira haddii ay la wadaagto macluumaad lasoo bandhigi karo.
Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Magaalada Muqdisho & Gobollada Dalka, waxa uu saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ugu baaqay in ay kordhiyaan howlgalladaas.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa kordhiyay howlgallada baaris ah oo ay ka wadan Degmooyinka Gobolka Banaadir, wixii ka dambeeya 6da Maqribnimo waxa ay baro lagu hubiyo Gaadiidka & Dadka la socda ay ka sameystaan waddooyinka waaweyn ee Caasimadda.