Odayaasha Dhaqanka Buulo Burte oo ku eedeeyay Madaxweynaha Hirshabelle inuu colaad hurinayo

0

Odayaasha Dhaqanka degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Hirshabelle iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Hirshabeelle, iyaga oo ku eedeeyay in ay hurinayaan colaado sokeeye oo ka qarxa degmadaas.

Odayaasha oo shir ku qabtay maanta degmada Buulo Burte ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Wasiirka ay ku khasbayaan dadka deegaanka in la dhiso Gole Deegaan oo aan laga sameynin meel kale oo ka mid ah Hirshabeelle.

Sidoo kale Odayaasha ayaa sheegay inay aad ula yaabeen in dhismaha gole deegaan laga billaabo Buulo Burte, iyada oo degmada ay ku jirto go’doon, halka aan loo sameynin gole deegaan magaalooyinkii nabadda ahaa sida Jowhar, Balcad, B/weyne iyo Jalalaqsi, taasina ay tahay wax aan la fahmi karin.

Bayaan ka soo baxay Odayaasha ayaa lagu sheegay in cabashadooda ay kala hadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, balse ay dhagaha ka fureysteen, iyadoo madaxweynaha oo ka dhoofay magaalada iyadoo ay taagan tahay xiisaddii uu abuuray wasiirkiisa arrimaha gudaha.

Odayaasha ayaa ugu baaqay madaxda Hirshabelle in ay waqti galiyaan sidii gole deegaan looga sameyn lahaa magaalooyinka nabadda ah ee xorta ah, halkii ay khasbi lahaayeen dadweynah Buulo Burte oo ka sugayay madaxda Hirshabelle inay go’doonka ka qaadaan.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen Hay’adda CRD inay qeyb ka noqon colaaddaas laga hurinayo magaalada Buulo Burte.

Ugu dambeyntii odayaasha ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Dawladda Federaalka, sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha gudaha inay soo fara-galiyaan arrintan oo hurin doonta khilaaf keeni doona in magaalada colaad ka dhacdo.