Oktoobar 21: Maalin madow oo murugo iyo mugdi leh

0

Subaxnimadii taariikhdu ahayd 21 Oktoobar 1969, arroornimadii hore abbaarihii 03:00am, shacabka Soomaaliyeed wuxuu hurdada kaga toosay iyadoo dariiqyadii waaweynaa ee bartamaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho ay taagan yihiin askar ku hubeysan dabaabado iyo gawaari gaashaaman. Waxay arrintaasi ka dambeysay, kaddib markii guutada koowaad ee gawaarida gaashaaman iyo guutada labaad ee taangiyada ay xerooyinkooda kaga soo bexeen amar uu bixiyey Taliyihii Ciidammada Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, amarkaas oo uu fulinayey Taliyihii Hoggaanka Howlgelinta Ciidammada Xoogga Dalka Salaad Gabeyre Kediye Dhiblaawe, oo markaas darajadiisu ahayd Gaashaanle Dhexe.

Qaaradda Afrika, lixdameeyadii, koox kasta oo wax afgambinaysa – laga soo billaabo Galbeedka Afrika illaa iyo Geeska Afrika – waxay ka billaabi jireen inay gacanta ku dhigaan saddex meelood oo muhiim ah: (1) Raadiyaha, (2) Baarlamaanka, iyo (3) Bankiga Dhexe. Haddaba, ciidammada xerooyinka ka soo baxay waxay ku dhaqaaqeen inay saddexdaas meelood qabsadaan. Waxaa la xiray haykalkii u weynaa dowladnimada, ee lagu billaabay aasaaska dowladeynta Soomaaliyeed, oo ah Golihii Sharci-Dejinta ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, ee loo yiqiin The National Assembly. Waxaa ciidamo la hor-tubay Bankiga, raadiyaha-na waa lala wareegay.

Barqadii ayay shacabka Soomaaliyeed waxay raadiyaha si rasmi ah uga maqleen in dalka uu ka dhacay afgambi militari. Dad badan oo ka mid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa aad ugu riyaaqay arrintaas, qaarkoodna caleemo qoyan ayay-ba ku soo dhoweeyeen oo ay la hor-istaageen xaruntii ciidammada ee Aviazione. Dadka isu-soo-baxay waxaa u badnaa dadkii ku andacoon jiray inay lagama maarmaan tahay in la helo is-beddel lagu xaqiijiyo in xorriyaddii loo soo halgamay laga helo horumar bulsho.

Waxaa jirtay in labadii sano ee u dambeysay (1967-1969) ay dalka gacanta ku hayeen niman dantooda keliya ka shaqeynayey, oo dulleeyey dimoqraadiyaddii, kuwaas oo isticmaalay ku takri-fal awoodeed (abuse of power), si ay u xaqiijiyaan in dib iyaga keliya loo soo doorto, kuwaas oo ka maagay inay wax ka qabtaan musuqmaasuqii ku sii baahayey hay’adaha haykalka dowladda, sida Baarlamaanka, oo noqday suuq-furan oo siyaasadeed (political marketplace) lagu kala gato codadka, laguna sii kala iibsado xilalka iyo xoolaha.

Abwaankii Soomaaliyeed, ee ka murugooday xaaladda dadkiisa iyo dalkiisu ku sugnaayeen xilligaas, waa tuu lahaa ‘Afrika-ba nin lagu diirsadoo, door ah laga waayey / Dibutaati [xubin baarlamaan oo] shalay suuqa Xamar deyn ka guranaayey / miyaa maanta noo dowlad ah?’. Waa tuu abwaan kale lahaa ‘markii ay dullaal iyo, dulli laba-wejiile ah, ay dadkeennii iyo dowladnimadii u heshiiyeen’.

Ballan-Qaadkii afka baarkiisa ahaa

Hoggaamiyaha afgambiga, Maxamed Siyaad Barre, oo ka hadlay Radio Muqdisho, wuxuu ummadda Soomaaliyeed u sheegay wixii ay dhegahoodu daneynayeen inay maalintaas maqlaan, oo ah wax-u-qabad. Hase yeeshee, khudbaddiisa, wuxuu iskula dhex-daray run iyo been. Run, wuxuu ka sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed ay ku qalbi-jabeen in dowladnimadii la wada sugaayey aan la mahadin, oo ay ka macaasheen qeyb yar oo bulshada ka mid ah, oo aan ahayn xoogagga xoogsatada iyo xamaaliga. Been, wuxuu ka sheegay in madaxda dowladihii rayidka ee dimoqraadiga ahaa ay shacabka Soomaaliyeed cabburinayeen, aqooyahanka Soomaaliyeed-na uu ku dulmanaa dowladahooda.

Si kasta ha noqotee, Maxamed Siyaad wuxuu dadka Soomaaliyeed u sheegay in afgambiga ay dhigeen saraakiil isugu jirta militari iyo boolis, oo ujeeddadoodu tahay inay niyad-jabka shacabka wax ka qabtaan, dalkana u jiheeyaan jidkii baraaraha/barwaaqada iyo horumarla/horukaca. Wuxuu ku dhawaaqay, oo uu dadka ka murugeysan in afgambigu uu dhalin doono dhiig daata uu ugu qalbi-qaboojiyey, in ciidammadu ay talada dib ugu celin doonaan shacabka, marka ay xaaladdu ku habboonaato. Dhowr maalmood gudaheed, waxaa lagu dhawaaqay liis ka kooban 25 sarkaal, oo lagu magacaabay ‘Xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka’.

Mutacallimiinta Soomaaliyeed, wixii aaminsanaa afkaarta bidixda iyo bidixda dhexe, si weyn ayay u soo dhoweeyeen is-beddelka ka dhacay dalka. Waxay ku hanweynaayeen inay dalkooda ku dul-dhisi doonaan niman askar ah, oo aan aqoon u lahayn qaabka nidaamka dowladeed lagula horumariyo dabaqadda hoose ee bulshada. Waxay qorsheynayeen in la qaadan doono afkaar la mid ah tii lagu mideeyey dalka Talyaaniga ee Risorgimento. Waxay oddorsayeen in la billaabi doono afkaaro la fal-geli kara afkaarihii jahliga, faqriga iyo mugdiga lagaga saaray ummadaha reer Yurub ee Enlightenment iyo Renaissance.

Si kasta ha noqotee, Maxamed Siyaad, oo talo toos ah ka qaatay dowladda Ruushka, wuxuu 1970-kii ku dhawaaqay in dalku uu qaatay afkaarta hantiwadaagga cilmiga-ku-dhisan (scientific socialism), waxaana meel walba oo Muqdisho ah lagu xardhay sawirada kuwii afkaartaas hindisay ama fasiray, sida Engels, Lenin iyo Marx. Soomaaliya waxay isku beddeshay waddan shuuci ah, oo xorriyadda hadalka iyo fekerka ay mamnuuc yihiin, oo aan waxba laga sheegi karin hoggaamiyaha xukunka militariga (sida North Korea iyo meelo kale).

Iyadoo laga duulayo mabda’ii hantiwadaagga cilmiga-ku-dhisan, waxaa la billaabay mashaariicdii iskaa-wax-u-qabso, oo saaxiibkii weynaa ee Soomaalida ee Ruushka uu ka geystay kaalin lama-ilaawaan ah. Waxaa la billaabay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha (economic infrastructure), waxaana la dhisay warshado yar yar iyo kuwo waaweyn, waxaana la jeexay jidad cusub. Mashaariicda la fuliyey waxaa ugu xoog badnaa mashruucii bacaad-celinta Shalaambood, wax-qorista iyo wax-akhriska iyo wax-ka-qabashadii abaartii daba-dheer, oo Ruushku uu Soomaaliya ku caawiyey diyaarado lagaga soo daad-gureeyo dadka abaaruhu saameeyeen gobollada dalka, la isuguna keeno Sablaale iyo meelaha u dhow dhow.

Xaalku markuu meeshaas marayo, billowgii toddobataanaadkii, waxaa la aaminay in loo jiheystay jidkii looga bixi lahaa faqriga iyo gaajada. Maxamed Siyaad oo taliska militariga ku magacaabay ‘Kacaan Barakeysan’, wuxuu billaabay inuu soo dhex-istaago jidadkii dhismayaashu ka socdeen, iskuna sawirro isagoo cunno la cunaya fuundiyeyaasha dhismayaasha, isagoo ku lebisan dharkiisii ciidammada (ka hor inta uusan u beddelan dharka rayidka bartamihii toddobaatamaadkii).

Abwaannada Soomaaliyeed, oo taariikhiyan weligood ahaa kuwa codeeya dareenka dadweynaha, ayaa hal mar suugaan ku soo dhoweeyey is-beddelka cusub, waxaana raadiyaha laga sii daayey ‘waad na deeqdee, Siyaadoow na daadihi’, ‘noolow, Siyaad, noolow’ iyo ‘ummaddaad daryeeshaa, dibadda iyo gudahaba, hambalyo kuugu deeqnee, noolow ma daale’.

Cabdi Muxumad Amiin, oo 1968-kii qoray buug yar oo uu ku dalbanayo in dalku qaato mabda’a hantiwadaagga, ayaa ka bara-dheereeyey abwaannadii kale ee la dhacsanaa howlaha taliska cusub ee militariga, kaddib markii uu allifay kuna luuqeeyey heestii caanka noqotay ‘waddadii caddeyd cagta saartaye, ku carraabiyow, cimrigii jiryow caynaanka haay, weligaa haay’.

Maxaa ka dambeeyey?

Wixii oo dhan waxaa isku fuuqsaday, kaddib markii baahida uu u qabo xukunka iyo kursiga uu Maxamed Siyaad kaga hormariyey in horumar dhab ah, oo aan indha-sarcaad ahayn la gaarsiiyo dadweynihii Soomaaliyeed, ee shalay u hanweynaa is-beddelka ku yimid afgambiga.

Sannadkii 1970-kii, wax ka yar hal sano gudahood markii afgambigu dhacay, waxaa billaabatay in la soo xir-xiro saraakiil uu ugu magac-weynaa Jeneraal Jaamac Cali Qoorsheel. 1971-kii waxaa, sidoo kale, la xiray magacyo kale oo waaweyn, sida Jeneral Maxamed Caynaanshe Guuleed iyo Jeneral Salaad Gabeyre Kediye (iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Cabdulle Dheel oo mar dambe loogu qoor-xiiray). 1972-kii, maalin cad ayaa saraakiishaan dambe la toogtay.

Waxaa xigtay 1975-kii oo aayadihii Ilaahey uu Maxamed Siyaad si toos ah u nasaqay, isagoo ku adkeystay in Qur’aanka Kariimka uusan kaamil ahayn, isagoo u ololeynayey sharci cusub oo lagu soo dabaqay meelo badan oo Afrika ka mid ah, sharcigaas oo lagu magacaabay Xeerka Qoyska (markaas ka hor waxaa laga soo fuliyey Senegal). Culumadii diinta iyo damiirka lahayd ee ka dhiidhisay gefka uu Maxamed Siyaad kula kacay diinta, ee ka dhex-dhawaaqday masaajidyada, ayaa laga soo xiray goobahooda, waxaana la toogtay 10 ka mid ah, 20 kalena waxaa lagu xukumay xabsi daa’in iyo xukunno kale oo dhaadheer.

Maalintaas wixii ka dambeeyey, Soomaaliya hoos ayay u sii hoobanaysay, illaa ay ka burburto. Waxaa xigay dagaalkii lagu soo jabay ee 1977, aasaaskii jabhadaha hubeysan iyo jawaabtii taliska miltiarigu uu ka bixiyey oo ahayd in la gumaado qabaa’ilkii ay u dhasheen hoggaamiyeyaashii jabhadaha u kacay inay dalka dib ugu soo celiyaan dimoqraadiyaddii lixdankii. Waxaa ugu darnaa, oo illaa iyo maanta la xallin la’ yahay gumaadkii ka dhacay gobollada waqooyi ee haatan loo yaqaan Somaliland.

Natiijo ahaan, 21 Oktoobar waxay ku dambeysay in abwaankii ugu horreeyey, ee afgambiga ku soo dhoweeyey suugaan, oo ahaa Cabdi Muxumad Amiin, uu ku biiro jabhadihii hubeysnaa, ee fadhiga ka sameystay Itoobiya aakhirkii toddobaatanaadkii, kaddibna uu dib uga soo laabto Muqdisho aakhirkii sideetameeyadii, kuna allifo heesihii lagu sagootinayey Maxamed Siyaad ‘war ninkow, ninkow, ninkow’ iyo ‘Laan Guruusan gado, soo bari Galleey’.

Haddaba, markala daraaseynayo taariikhda Afrika, hoggaamiyeyaashii militari ee soo maray qaaradda, laguma qiimeeyo inay dalkooda qatar ka badbaadiyeen, ee waxaa lagu qiimeeyaa qatarta ay iyagu geliyeen, ee ay ku baa bi’iyeen dadkooda iyo dalkooda. Maxsuulka uu Soomaaliya kaga tagay Maxamed Siyaad Barre waxay ahayd xaalad aan soo noqon lahayn, oo isu beddeshay macaluul iyo dhimasho weli sii socota. Waxaan weli taaganahay meel sagxad ah, hadda oo aan maanta mareyno gaba-gabada 2019.

W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis

Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford. Wuxuu kaloo fellow ka yahay Jaamacadaha London School of Economics and Political Science (LSE) iyo King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.com