Prof. Afyare Cabdi Cilmi “Lama-Huraan Waa Heshiis Siyaasadeed iyo Doorasho Dadban”

0

Qormadan waxaan ka soo gaabiyey laba cilmi-baaris oo aan ka sameeyey arrimaha doorashooyinka Soomaalida. Cilmi-baaristii koowaad waxaa soo bandhigay Mac-hadka Heritage, waxayna ku saabsanayd nidaamyada doorashooyinka caalamka ka jira, iyo sooyaalka doorashooyinka iyo xulitaannada Soomaalida laga soo billaabo sannadkii 1954. Sidoo kale, cilmi-baaristaasi waxay soo bandhigtay afar hab oo la kala dooran karo 2020 iyo toddoba halbeeg oo la adeegsanayo marka la kala xulanayo hababkaas.

Cilmi-baarista labaad waxay ku saabsan tahay taariikhda xeerka doorashooyinka ee hadda la ansixiyey iyo hirgelintiisa. Waxayna soo baxaysaa dhawaan. Haddaba, sida qormadan ku faahfaahsan, waxaan ku doodayaa Madaxweyne Farmajo, Ra’iisul-Wasaare Kheyre iyo Xidhibaannadu waxay ku hawlanaayeen baadigoobka nidaam ay awoodda ku sii joogaan ama waqtiga ku dheereystaan. Dhawaaqoodii ahaa doorasho qof iyo cod, xor iyo xalaal, wuxuu ku soo dhamaaday in la huri waayo raadinta heshiis siyaasadeed iyo doorasho dadban – haddiiba laga gaari karo.

Sooyaalka Xeerka Doorashooyinka ee la Ansixiyey

Sanadkii 2017, dowladda Soomaaliya waxay sameysay guddi farsamo oo ay u xilsaartay inay ka soo tala-bixiyaan hannaanka ugu habboon ee doorashooyin looga qaban karo dalka. Guddiga waxaa laga soo xulay hey’adaha dowladda (sida Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul-Wasaaraha, Guddiga Doorashooyinka, Dastuurka iyo kuwa kale), waxaana hoggaaminayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Guddigu waxa ay la tashadeen khubaro kala-duwan. Sida ilo xog-ogaal ah ay ii sheegeen, waxaa soo baxay kala-aragti-duwanaan dastuurka ku qotonta oo ku saabsan nooca ay noqonayso dowladda Soomaaliya.

Qaar baa qabay in dalku qaato nidaam madaxtooyo oo la doorto madaxweyne iyo ku-xigeenno, halka ay kuwa kale qabeen in dalku qaato nidaamka baarlamaaniga ah oo qofka hoggaaminaya xisbiga ugu kuraas bata uu noqdo ra’iisul-wasaare. Dooddani badankeedu waxay u dhexeysay hey’adda fulinta dhexdeeda.

Waxaa dedaalka guddiga berber-socday heshiis siyaasadeed ay dowladda iyo dowlad-goboleedyadu uga doodayeen nidaamka doorashooyinka ee ku habboon dalka. Bishii June, 2018, waxaa iskugu yimid Baydhaba madaxda dowladda iyo kuwa maamul-goboleedyada, waxaana ka soo baxay war-murtiyeed ay ku sheegeen inay ka heshiiyeen nidaamka doorashooyinka, ayna isku raaceen in la qaato nidaamka metelaadda isku-dheelli-tiran, dalka oo dhanna uu noqdo hal degmo-siyaasadeed (Proportional Representation and one national district).

Bishii September 2018, maamul-goboleedyadu waxay ku kulmeen Kismaayo, waxayna diideen in dalka oo dhan uu noqdo hal degmo siyaasadeed. Waxay ku taliyeen in ay maamul-goboleedyadu noqdaan degmooyin-siyaasadeed. Taas macnaheedu wuxuu noqonayaa in xildhibaannada lagu soo doorto gobollada sida tii 2016.

Si kastaba ha ahaatee, guddiga farsamada ee arrimaha doorashooyinku wuxuu diyaariyey qabyo-qoraal wanaagsan oo ay ku saleeyeen tilmaamihii khubarada iyo heshiiskii Baydhaba. Ma aysan dhexgelin dooddii dastuurka ku saabasanyd. Waxay la tashadeen xisbiyada iyo bulshada rayidka ah. Kadibna waxay u gudbiyeen xafiisyada dowladda ee ay khuseyso.

Waxaa laga filayey Madaxweyne Farmajo inuu gobollada kala xaalo xeerka doorashooyinka oo runtii meel aad u sahlan joogay. Qodobka la isku maandhaafsanaa wuxuu ahaa abuuritaanka degmo-siyaasadeed. Marka laga hadlayo sameynta-degmo-siyaasadeed, waxaa cilmi-baarista mowduucan ku saabsani sheegaysaa in ay ugu fiican tahay in ay degmo kast taallo shan illaa 10 kursi, ayna ku tartamaan xisbiyadu. Waxaan rumeysanahay haddii niyad wanaag jiro xal ayaa laga gaari karay arrinkan. Sidoo kale, waxaa laga filayey madaxweynaha inuu kala sooco doodaha la xiriira dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka.

Sida ay xogtu sheegeyso, isla-markiiba Xafiiska Madaxweynaha ayaa la wareegay xeerka doorashooyinka. Muddo kadibna waxaa lagu soo celiyey Golaha Wasiirrada iyadoo dhowr qodob laga soo baddelay. Waxaa ugu muhiimsanaa qodobbada kan 12-aad oo sheegayey in uu madaxweyne noqonayo hoggaamiyaha xisbiga ugu cod-bata xisbiyada, iyo qodobka 56-aad oo sheegayey in waqti-kordhinta ay saameyneyso madaxtooyada iyo baarlamaanka. Qodobka 12-aad ee xeerku waxa uu ka soo horjeedaa dastuurka. Haddana, golaha wasiirradu ma aysan baddelin oo sidiisa ayay ku aqbaleen. Taasina waxay noqotay mid ay dad badani la yaabeen.

Waa la Kala Aamin-Baxay

Markii Xeerka Doorashooyinka loo soo gudbiyey, Baarlamaanku wuxuu u saaray guddi ka kooban 15 xildhibaan inay dib-u-eegis ku sameeyaan. Guddigaasi wax badan ayay ka baddeleen sharciga. Waxay diideen nidaamkii metelaadda isku-dheellitiran. Sidoo kale, waxay tireen qodobbadii ay madaxtooyadu ku darsatay xeerka. Ugu danbeyntii, waxay go’aamiyeen in aan laga gudbi karin saami-qeybsiga beelaha xilligan. Guddigu waxay go’aamiyeen in la qaato nidaamka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past the Post) oo ku saleysan 275 degmo-beeleed. Kursi walba beelaha heysta ayaa ku tartamaya ayay qalinka ku duugeen. Xildhibaannada badidood way aqbaleen soo jeedinta guddiga, xitaa kuwii ku jiray Golaha Wasiirradda iyo kuwii taageeri jiray Villa Soomaaliya. Xeerkaas ayay labada aqal u codeeyeen.

Ka sokow qodobbada dastuurka ka hor imanaya, xildhibaannadu waxay sheegeen inay u diideen Xeerka ay Golaha Wasiirradu keeneen saddex sababood. Kow, waxay xaqiiqsadeen nidaamka metelaadda isku-dheelli-tiran ee xisbiyada ku dhisan inuusan la jaanqaadi karin nidaamka beelaha ee 4.5. ee ay Soomaalidu awoodda ku qeybsatay. Laba,waxay yaqiinsadeen in nidaamka metelaadda isku-dheelli-tiran uu madaxda xisbiyada siinayo awood farabadan oo ay go’aan uga gaaraan qofka xildhibaan noqonaya.

Nin ka mid ah xildhibaannada ayaa yiri, “Odeyga beesheyda waan aqaan si aan ula macaamilo, laakiin nin xisbi siyaasadeed madax u ah uma oggolaan karo inuu go’aan ka gaaro cidda beesheyda ama degmadayda meteleysa.” Saddex, xildhibaannadu waxay welwel ka muujiyeen in nidaamka metelaadda isku dheelli-tiran uu u xaglinayo magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan Muqdisho. Waxay leeyihiin xildhibaannadu, Xamar ayaa soo saareysa xildhibaannada badidood oo gobolladii ayaa meesha ka baxaya. Tusaale, haddii ay saddex milyan ka codeeyaan dalka oo ay hal milyan ka timaad Muqdisho, 30% xidhibaannada waxaa soo saaraysa Xamar.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaannadu way diideen xeerkii ay Golaha Wasiirradu keeneen, waxayna iyagoo danahooda fiirsanaya sameeyeen xeer cusub oo beeleysan. Madaxweynuhuna wuxuu saxiixay xeerka ay labada aqal u soo gudbiyeen bishii Febraayo 2020.

Ma La Hirgelin Karaa Xeerka 2020?

Marka la fiiriyo waqtiga ka harsan xilliga doorashada oo bilooyin ah iyo marka la tixgeliyo duruufaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale sharcigan lama hirgelin karo 2020 shan sababood dartood. Kow,xeerkani weli waa qabyo oo kama jawaabayo sida loo abbaarayo sameynta degmooyinka-siyaasadeed. Kursi kasta ma waxaa la dhigayaa deegaan ay beesha ku tartamaysaa deggen tahay? Sidee laga yeelayaa beelaha deggan meelo kala fog oo uu kursi ka dhexeeyo? Dadka codeynaya ma beesha kursiga loo xiray oo kaliya ayay ka imanayaan?

Labo, xeerka kuma cadda sida loo abbaarayo metelaadda Soomaaliland, Muqdisho, gobollada ay Shabaab heystaan iyo qoondada haweenka. Saddex,hirgelinta Xeerkani waxay u baahan tahay nabad-gelyo la isku hallayn karo. Runtiina taasi hadda ma muuqato. Afar, Xeerkani wuxuu u baahan yahay dhaqaale badan.

Guddiga Doorashooyinku waxay sheegeen sanadkii 2017 in loo baahan yahay $130 milyan oo dollar. Ugu danbeyntii, fulinta xeerkani waxay u baahan tahay heshiis siyaasadeed dhex-mara maamullada gobollada, iyo dowladda dhexe. Sidoo kale, waa inay xisbiyadu qeyb ka ahaadaan doodaha doorashada. Runtii jawi xasilan oo kalsooni leh oo arrimaha lagu wajaho ma muuqdo hadda.

Labada aqal ee baarlamaanku waxay u saareen guddi isku-dhaf ah oo arrimahan ka soo tala-bixiya. Welina way ku maqan yihiin.

Maxaa Xal Ah?

Runtii, waa nasiib darro in mar kale ay dalka soo foodsaartay xaalad jahwareer siyaasadeed ah. Soomaalidu demoqraadiyadda waxa kaliya ee ay ka heysay waxay ahayd in afar sano oo kasta uu yimaad is-baddel siyaasadeed. Way wanaagsanaan lahayd in ay dadku goobaha doorashooyinka u dareeraan oo ay xushaan cidda hoggaaminaysa afarta sano ee soo socota. Ha yeeshee, ma muuqdo jawi ay dalka kaga dhici karto doorasho qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah 2020.

Haddaba maxaa xal ah?

Waxaa miiska saaran saddex khiyaar. Kow, in waqti-kordhis loo sameeyo baarlamaanka oo ay dabadeed doortaan guddoonka iyo madaxda. Sida muuqata, xeerka uu Madaxweynuhu saxiixay, qodobka 53-aad, wuxuu daaqad u furayaa arrinkan. Xubnaha baarlamaanku aad bay u rabaan arrinkan. Dad badan waxay filayeen inuu madaxweynuhu diidi doono oo uu qodobkaas meesha ka saari doono. Miyuu ka ilduufay mise wuu u bareeray? Taas xogteeda ma hayo. Laakiin daaqaddaasi way u furan tahay baarlamaanka.

Labo, in sidii wax la yeeli jiray la yeelo oo xulitaan iyo doorasho dadban la aado. Taas waxaa qaba dad badan. Soomaalidu waxay u leedahay waayo-aragnimo fiican inay si degdeg ah u sameeyaan doorasho noocan oo kale. Waana ay ka jaban tahay xagga qarashka. Marka laga soo billaabo sanadkii 2000, doorashada noocan ah waxaa isku baddalay shan madaxweyne oo kala hoggaaminayey shan dowladood.

Siyaasiyiinta qaar aan wareystay ayaa ii sheegay in weliba laga sii hagaajin karo sanadkan sidii hore. Tusaale, waxay leeyihiin waa la isku darayaa ergooyinka kuraasta taalla maamul-goboleed kasta oo xidhibaan walba waxaa soo dooranaya ergooyinkaas oo midaysan. Waxaase lagama maarmaan ah in la helo heshiis siyaasadeed.

Saddex, waxaa jira aragti ku doodeysa in doorasho ay dad badani codeeyaan laga qabto meelaha ay dowladdu maamusho iyadoo la adeegsanayo xeerka doorashooyinka ee uu madaxweynuhu saxiixay. Waa khiyaar ay madaxda iyo taageerayaasha dowladdu jecel yihiin.

Nuxurka khiyaarkani wuxuu leeyahay looma baahna heshiis siyaasadeed. Doorashooyinka guud waxaa maamulaya dowladda dhexe, waxaana lagu qabanayaa meel kasta oo ay suurtagal ka yihiin. Waxaa la qabanayaa waqtigii ay suurtagasho. Tan macnaheedu waa in ay dhacaan doorashooyin ay dowladdu wadato ama ay iyadu sii joogto.

Gunaanadkii, waxaan ku soo koobayaa qormada waxyaalaha loo baahan yahay in la saxo si loo helo xal waara oo ku aaddan doorashooyinka iyo sida loo abbaarayo is-baddelka 2020 la filayo. Xal waara oo ku salaysan xeer-doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ku salaysan metelaad dadweyne oo sax ah waxay u baahan tahay waqti dheeraad ah. Waa lama-huraan in dib-loogu noqdo qaab-dhismeedka labada aqal oo labaduba metala qabiil, islamarkaana qabta shaqo isku mid ah. Sidoo kale, amniga iyo dhowlad-dhiska ka sokow, waxaa lama-huraan noqon doonta in doorashooyinka degmooyinka iyo gobollada laga hor-mariyo kuwa dalka si waaya-aragnimo looga qaato.

Waqtiga dhow ee 2020, walow aan jeclaan lahaa doorasho qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah, waxaan rumeysanahay in aan laga fursan doonin xulitaan-doorasho ku dhisan heshiis siyaasadeed dhexmara saamileyda siyaasadda (dowladda, xisbiyada iyo maamul-goboleedyada). Waxaana ila quman inaan waqti kale la sii lumin oo runta la wajaho. Madaxda Soomaalidu (Gole Fulin iyo Gole Baarlamaan) waxay waqti badan ku lumiyeen raadinta nidaam ay ka foolinayaan dano gaar ah.

Hadda iyo dan, waa mar kale iyo heshiis siyaasadeed, doorasho dadban, odoyaal dhaqan iyo musuq-maasuq baahsan. Madaxda ayaana mas’uul ka ah gaabiska iyo dayaca dhacay labadaba.

Afyare Cabdi Cilmi, PhD, waa Associate Professor ka dhigga daraasaadka ammniga Jaamacadda Qatar.