Prof. Xasan Iimaam “Farmaajo wuxuu rabaa fashil dhamaantiis inuu u saariyo Xasan Cali Kheyre”

0

Prof. Xasan Sheekh Cali (Iimaam) oo wax ka dhiga mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo haddii uu 20 sano uu joogo aanu dalka ka qaban karin doorasho hal qof iyo hal cod.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo aanu ogoleyn in siyaasaddu inay tahay shirko oo lagula tartami karo, taas bedelkeed uu aaminsan yahay in siyaasad lagu kala adkaado.

“Madaxweyne Farmaajo 20 sano hadduu joogo doorasho hal qof iyo hal cod dalkaan kama qaban karo, doorasho yaa qabto doorasho waxaa qabto qof marka hore ogol siyaasaddu inay tahay shirko aniga iyo adiga aan tartami karno, kitaabka Madaxweyne Farmaajo kuma taalo in la tartamo, waxaa ku taallo in lagu kala adkaado”ayuu yiri Prof. Xasan Iimaam.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in markii xilka laga qaadayay Ra’iisul Wasaare Kheyre eedeymihii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal u jeedinayay Ra’iisul Wasaare Kheyre inuu ku fashilmay ay aheyd arrimo uu Madaxweyne Farmaajo qudhiisa ku fashilmay, maadaama cida la doortay uu isaga yahay.

“Wax alla wixii uu tirinayay Mursal oo uu dhahayay Kheyre ku fashilmay, ee Farmaajaa ku fashilmay, wuxuu rabaa sidii kuraastii la xawilayay wixii dambi ah in Kheyre dusha ka saaro, dadka Soomaaliyeed waa og yihiin weyna garan karaan Kheyre ma ahan cida fashiltay ee waa Farmaajo sababta waxay tahay asal ahaan Soomaaliya ma dooran Kheyre ee waxaa la doortay Farmaajo”ayuu yiri.

Prof. Xasan Iimaam ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu dadka waxqabad uga dhigi jiray isla joogitaanka isaga iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, balse maanta uu doonayo in Madaxweynaha uu dadka ka iibiyo in cida fashilantay uu Ra’iisul Wasaaraha yahay.

“Fashil dhamaantiis inuu Xasan Cali Kheyre u saariyo ayuu rabaa,  asigana uu cusub yahay oo uu hadda u dhashtay, labo sano uu rabo in loogu daro ee ma ahan 2 sano waa 20 sano ayuu doonayaa”

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo wajahday dhaawac siyaasadeed, kaddib markii si aan dastuuri aheyn xilka uga qaaday Ra’iisul Wasaarihiisa ay saaxibka dhow ahaayeen, waxaana dad badan aaminsan yihiin in arrimaha uu sababsaday Xasan Cali Kheyre ay ka mid tahay tallaabadii uu kaga horyimid muddo kororsiga iyo inuu u muuqday nin han-sare kaga jiray xilka Madaxweynaha dalka.