Puntland iyo Galmudug oo isku haysta Degmo iyo Xiisad laga cabsi qabo

0

Muuqaal  kooban oo uu iska soo duubay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowlad goboleedka Puntland ee degmada Towfiiq oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxaa uu uga jawaabay hadal kasoo yeeray Siyaasiyiin  Jaaliyadda Galmudug ee dalka Sweden.

Jaaliyadda oo shir ku qabatay dalka Sweden ayaa waxaa ay sheegeen in degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ay tahay degmada  ka tirsan Maamulka Galmudug,hayeeshee taasi uu beeniyay taliyaha Ciidanka Daraawiishta degmadaas u qaabilsan Maamulka Puntland.

G/sare Maxamed Maxamuud Cumar (Gacayte), ayaa sheegay in degmadaasi ay mamul ahaan hoostagto Maamulka Puntland,waxaana uu digniin u diray Siyaasiyiin uu sheegay inay faraha la soo gelayaan ama carqalado iyo daan-daansi ka wadaan degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Beesha degta Degmada Towfiiq ay tahay mid ka tirsan Puntland,isla markaana uu sheegay in xaduudkooda uu yahay deegaanada Budbud iyo Af-Barwaaqo ee Gobolka Mudug.