Putin & Biden oo maanta ku kulmaya Geneva.

0

Madaxweyneyaasha Mareykanka & Ruushka Joe Biden iyo Vlademir Putin ayaa maanta ku kulaya Magaalada Geneva Dalka Switzerland si ay uga wada xaajoodaan arrimo ay uga weyn tahay hagaajinta xiriirka xumaaday ee Moscow iyo Washington.

Kulankaan oo ah mid indhaha dhan ay kusii jeedaan waxa ay Putin & Biden markii ugu horeysay isku arkayaan si toos ah, fadhiga oo aad loo abaabulay waxa ay mas’uuliyiin katirsan labada dhinac sheegeen in uu muhiim u yahay soo afjaridda muranka dheeraday.

Putin waxa uu 12-kii June 2021 sheegay in xiriirka Mareykanka iyo Ruushka uu gaaray meel aad u hooseysa sanadii lasoo dhaafay kadib markii Xukuumadda Washington ay joogteysay eedaha ka dhanka ah Moscow.

Muranka xooggiisa waa is maandhaafka arrimo ay ka yimid siyaasadda Ruushka iyo Mareykanka ee Syria & Ukraine, wadahadalka ayaa loo rajeeyay in si xasiloon waqti wanaagsan ay uwada qaataan labada hoggaamiye.

Mareykanka waxa uu Ruushka ku eedeeyay: Faragelinta Doorashooyinkii Mareykanka 2016, weerar dhanka Internet-ka ah oo lagu ugaarsaday Shirkadaha, Bangiyada iyo meelaha kale dhaqaalaha badan sameeya iyo arrimaha dhanka Ciidanka.

Putin: Xiriirka Mareykanka & Ruushka waxa uu gaaray meel hoose”.

Mustaqbal