Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in shaqaalaha ka jooga Itoobiya ay ka saareyso gaar ahaan Magaalada Addis Ababa kaddib markii ay korortay colaadda u dhaxeysa Xukuumadda Abiy Ahmed & TPLF.
Sanad jirsiga dagaalka Itoobiya ayaa weji kale u yeelay xaaladda dalkaas, Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga & Bani aadamnimada ayaa walaac ka muujiyay xaaladda sii adkaaneysa ee Dalkaas.
Xoogagga TPLF oo kaashanaya Maleeshiyaad hubeysan ayaa wacad ku maray in ay gacanta ku dhigayaan Magaalada Addis Ababa oo ay soo gaabiyeen fogaanta ay u jireen sida ay hadalka u dhigeen saraakiil katirsan Tigray.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa shacabka, Saraakiisha & Ciidanka howlgabka noqday ka dalbaday in ay hubka qaataan oo ay iska difaacaan TPLF oo uu ku eedeeyay in ay ka shaqeyneyso burburka Itoobiya.
Tallaabada Qaramada Midoobay ay ku daadgureyneyso Shaqaalaheeda jooga Itoobiya ayaa kamid ah culeyska siyaasadeed ee saaran Maamulka Abiy Ahmed, Mareykanka, Canada & Ingiriiska ayaa muwaadiniintooda kala baxay Itoobiya.
Faransiiska & Jarmalka ayaa Muwaadiniinta ka joogta Addis Ababa wadajir ugu baaqay in ay isaga tagaan maadaama saan-saanta muuqata aanay wanaagsaneen, balse Abiy Ahmed ayaa Niyad-jebin ku tilmaamay digniinta kasoo yeertay Dalalka Reer Galbeedka.