Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax culus oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa ka dhacay isgoyska sayidka oo uu ku yaallo Control laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, islamarkaana uu geystay khasaare kala duwan.

Gaadiidka gurmad deg dega ah ee Ambalaasta iyo ciidamada amniga ayaa haatan ku sii qul qulaya meesha uu qaraxu ka dhacay.

Xaaladda ayaa kacsan, iyadoona uu socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.