Qarax ka dhacay dugsi ay arday u fadhiyeen imtixaan magaalada Balcad

0

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay iskuul ku yaal magaalada Balcad halkaa oo ay ardayda fasalada siddeedaad ay u fadhiyeen imtixaan.

Qaraxan oo ka dhacay afaafka hore ee dugsiga xilli ay ardayda ku sugnaayeen daabuurka dugsiga una diyaar garoobayeen gelista imtixaanka maanta la qaadayay.

Hal askari ayaa oo ku sugnaa albaabka iskuulka ayaa ku dhaawacmay qaraxan iyadoo aanay waxba gaarin ardaydii ku sugneyd xarunta dugsiga.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ardayda ay sii wateen inay u fariistaan imtixaanka manta loogu talagalay.

Ammaanka magaalada Balcad ayaa wanaagsanaa xilliyadii la soo dhaafay inkastoo mararka qaar ay ka dhacaan qarax.