Qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay Muqdisho.

0

Qarax loo adeegsaday Gaari lagu soo raray walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay Xeendaabka Xerada Asluubta oo u dhaw Ex Control Afgooye waxaana ka dhashay khasaare dhimasho & dhaawac.

Sarkaal katirsan Dowladda ayaa Mustaqbal u sheegay in gaariga qarxa uu ku dhacay Darbiga, waxyeelada ka dhalatayna ay gaartay Dad shacab ah oo goobta ka dhawaa inkasta oo uusan sheegin inta ay gaarsiisan tahay waxyeelada.

Sarkaalkaan ayaa Mustaqbal u sheegay in xeendaabka Xerada Asluubta oo aad u adag & godad waaweyn oo ka sokeeya uu gaariga ka gudbi waayay, markii uu gidaarka (Darbiga) ku dhacay Gaarigana uu qarxay.

Gaadiidka Gurmadka Degdega ah ayaa goobta gaaray si ay u qaadaan dadka shacabka ah ee dhwaacyada ah oo u baahan in la geeyo Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

La soco wixii kasoo kordha.

Mustaqbal