Qatar oo sheegtay in Dadka waddankaas u tagaya Koobka Adduunka aanay ku xujeysneen Shahaadada Caddeynta Covid-19.

0

Wasaaradda Caafimaadka & Adeegga Dadweynaha Qatar ayaa war ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in Dadka waddankaas u tagaya Koobka Adduunka 2022 ee lagu qabanayo 20ka November aanay ku qasbaneen in ay sameystaan shahaadada muujineysa in ay ka caafimaad qabaan Covid-19 balse hubin gaar ah la marsiinayo.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dhammaan Dadka galaya Dalkaas oo Muwaadiniin & Ajaanib ah ay mari doonaan hubinta cudurrada faafa lagu ogaanayo si looga warqabo caafimaadka Kumanaanka isugu tagaya Hoteellada, Barxadaha & Garoomada lagu dheelayo kulamada xulalka qaranka ee usoo baxay Koobka Adduunka 2022.

“Dadka imaanaya Qatar loogama baahno warqadda muujineysa in uu maray baarista Covid-19 kahor inta uusan soo safrin, waxa uu qof weliba marayaa hubin caafimaad oo loo diyaariyay” Ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Qatar.

Madaxa Isbitaalka Hamad, Yousef Al-Maslamani ayaa sheegay in Dedaal dheeraad ah ay gelinayaan la socodka badqabka Martida Koobka Adduunka awgii u tageysa Qatar, waxa uu intaas ku daray in la diyaariyay shaqaale ka howlgalla Garoomada & meelo kale.

Qatar ayaa ku guuleysatay martigelinta Koobka Adduunka 2022 oo la baasan doonno 20ka November, waxaa tikidho usii goystay Taageerayaasha xulalka usoo gudbay in ay ka qaybgalaan tartanka xulka ku guuleysanaya koobkaan.

Amiirka Qatar Sheekh Tamim Bin Hamad ayaa dhawaan sheegay in waddankiisa uu la kulmayo culeys aanay horay u arag Dal martigeliyay Koobka Adduunka, dhowr waddan ayaa ku howlan in ay Dooxa geeyaan calanka Ukraine & summadda gaarka u ah Dadka isu galmooda.