Qof looga shakisan yahay cudurka coronavirus oo ku geeriyooday magaalada Garowe

0

Qof kamid ah dadkii lagu hayay xarunta karantiilka dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus ee magaalada Garowe ayaa geeriyooday, iyadoo aan weli lasoo saarin jawaabta baaritaankiisa.

Agaasime ku xigeenka isbitaalka guud ee Garowe, Dr, Maxamuud Abdrishiid, ayaa bartiisa facebook ku sheegay, in bukaanka geeriyooday uu ka yimid dalka itobiya uuna lahaa calaamadaha muujinayay COVID-19.

Illaa iyo hadda lama oga qofkaan geeriyooday inuu u geeriyooday cudurka ama inuu qabay xanuuno kale. Guddiga u xilsaan xakamaynta cudurkaan ayaa laga sugayaa inay ka hadlaan arrintaan.

Dhinaca kale, Wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Yusuf Xaaji, ayaa sheegay in dadka lagu hayo xarunta karantiilka laga helay qaar kamid ah calaamadaha cudurka, isagoo sheegay in labo ama saddex maalin kadib ay soo bixidoonto natiijada baaritaan lagu sameeyay.