Qoysas weli Soobe ka raadinaya Ehelkooda oo ay ku waayeen Raq & ruux!

0

Tiro qoysas ah ayaa weli aan nolol & geeri toona ku heyn ehelkooda oo ugu war dambeysay kahor inta aysan dhicin qaraxyadii weynaa ee lagu beegsaday Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya 29-10-2022.

Qaar kamid ah Dadka Baadigoobka ku jira ayaa sheegay in telefoonnadii ay wateen Dadkooda ay ka maqan yihiin hawada, kana raadiyeen goobaha Caafimaadka ee la geeyay Dhaawacyada si looga daweeyo Waxyeellada gaartay Dadkaas.

Aamina Maxamed, waxa ay raadineysaa Seygeeda oo sheegtay in uu ugu maqnaa Qaliin lacag la’aan ah (Bilaash ah) oo ay u baahan tahay balse taa baddelkeeda waxa ay weysay isaga qudhiisa oo ku dhawaad 48 saac raq & ruux toona ku hayn.

Buro Minka (Ilma-galeynka) uga taal ayuu u raadiyay sidii uu u heli lahaa dhaqtar qaliin ku sameeya maadaama ay Aamina sheegtay in Seygeeda uu u awoodi waayay bixinta lacagaha ay ka rabaan Isbitaallada lacagta ah haddii uu geeyo.

“Waxa aan raadinayaa Seygeeda oo aan u dhalay 10 Carruur ah, waxa uu igu dhahay qaliin lacag la’aan ah ayaan kuu raadinayaa oo waxa uu idhahay ma awoodi in aan isbitaal lacag ah ku geeyo, Aniga & Walaalihiis ayaa ka raadineyno goobtii ugu dambeysay uu joogay oo uu ku iibinayay Dharka Huudheyda” Aamina Maxamed.

Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan qoysas raadinaya xubno katirsan Ehelkooda oo ugu war dambeysay markii ay dhaceen Qaraxyadii sababay dhimashada & dhaawaca ee Muqdisho ka dhacay 29-October-2022.