QURBA JOOGTA BEELAHA MUDULOOD OO SI ADAG UGA SOO HORJEESTEY SHIR KA DHACAYA MUQDISH

0

QURBA JOOGTA BEELAHA MUDULOOD OO SI ADAG UGA SOO HORJEESTEY SHIR KA DHACAYA MUQDISHXasan Nuur Cabdulle Afhayeenka Beelaha Muddulood ee Qurbo Joogta oo Wareeysi Gaar ah Siiyey Warbaahinta Danan ee Magaalada Muqdisho ayaa si Kulul Ugu Hadlay arinnta Maqaam U Sameenta Gobolka Banaadir Iyo Arimaha Muddulood Iyadoo Maalmihii la soo dhaafay ay Jireen Xiisado iyo Qilaaf ka dhex Taagnaa Beesha Mudulood

Afhayeenka ayaa Ugu Horeyn si adag Waxaa uu Uga Hadlay Arinta Maqaam u Sameenta Gobolka Banaadir Iyo Kuraasta 13 ka ah Ee Gobolka Banaadir Laga Siiyey Golaha aqalka Sare Ee Dalka Ka Dib Markii ay Baarlamaanka Soomaaliya ay Meel mariyeen Dhowaan Waxaa uuna Si Cad uga Hor Yimid Kuraasta 13 ka ah ee La Siiyey Go/ka Banaadir

“Ma ahan wax aan aqbali Karno sida loo meelmariyey arinta Maqaam u sameenta G/ka Banaadir waana mid qalad ah in bulsho dhan 3 -4 Milyan in la yiraahdo 13 Kursi ayaa la siiyey Waxaan leeyahay arinta maqaamka Gobolka banaadir yaanan Loogu Deg degin Sidii Maamul Goboleedyada oo kale loo maray Dhismahooda Yaanan Leyska Hor keenin Bulshada Gobolka Banaadir ‘’ ayuu yiri Afhayeenka

Geesta Kale Waxaa uu ka Hadlay Afhayeenka Beelaha Mudulood Xasan Nuur Cabdulle Aayaha Beesha Mudulood iyo Isqabqabsi Mudooyinkii Dambe ka dhex Jiray Beeshaasi Waxaa uu ka digay Shir ay Qaban qaabadiisa Wadaan Qaar ka mid ah Odayaasha Beeshaasi Iyo Siyaasiyiin Kale Waxaa na uu tlmaamay In aanan Shirkaasi Loo dhameyn

“Mudulood Ma ah Hal beel oo Kaliya ee Waa Beelo Isku Tagay Shirka la Sheegay Waxaan u Aragnaa mid laga Leeyahay Dano gaar ah Mana ahan Shir Loo Wada Dhan yahay Waxaa la Sameeyey Gudi Farsamo Waa Hal Beel. Waxaa la Sameeyey Gudi Dhaqaalo Iyana Waa Hal Beel Waxaa la Soo jeediyey Talo ku Saabsan Beelaha Mudulood Waxaana Kaliye Isku Koobay Waa Hal Beel oo Kaliya ”
Sidaasi Waxaa Yiri Afhayeen ka Beelaha Mudulood Ee Qurbo Joogta Xasan Nuur Cabdulle Hadalka Afhayeenka ayaa Ku Soo aadaya Iyadoo Mudooyinkii ugu Dambeeyey ay sii kordhayaan Is qabqabsiga Beelaha Mudulood Waxaana Jira Shir aysan Beeshaasi u dhameen oo 13 Ka Bishaan Julaay la Filaayo in uu ka Furmo Magaalada Muqdisho.