Rag kufsi iyo dil geystey oo maanta la soo taagay Maxkamad ku taal Garowe

0

Maxkamad Magaalada Garoowe waxaa maanta ka markale ka furmaya dhageysiga labaad ee ragga loo heysto in ay kufsi iyo dil Magaalada Garoowe u geysteen Hodan Axmed Shanleyste oo ahayd Haweeney Xaamilo ah.

Dhageysiga Dacwadda Ragga gaaraya 7-ruux waxa uu bilawday 15-kii bishaan, waxaana lagu ballamay sabtidii todobaadkaan 21-ka Febaraayo, balse waxaa dib loogu dhigay dalab ka yimid Aabaha Hodan oo ka maqnaa Magaalada Garoowe.

Maxkamadda ayaa u qabatay in maanta oo Arbaco ah kuna beegan tahay 26-ka febaraayo 2020 in fadhiga Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal uu dhacayo.

Kiiska kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Hodan waxa uu ka dhacay Magaalada Garoowe 11-kii april sanadkii tagay 2019, waxaana tan iyo xiligaas socday baaris lagu sameynayo Todobo ruux oo loo soo qabtay in ay ka dambeeyeen.

Dhageysiga 1-aad ee dacwadda ka dhanka ah raggaan ayaa horay u dhacday, waxaana Maxkamadda ay sheegtay in kiiskaan oo qayb ka ah Xadgudubyada ka dhacay Deegaanada Puntland ay go’aan ka gaari doonto.

Hore ayaa maxkamad ku taal Puntland waxa ay u dhagaysatay dacwad la xiriirta kufsi iyo dil loo geystay Caa’isho Ilyaas,waxaana loo qisaasay labo ruux halka mid kalana laga bixiyay diyo.