Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Midowga Musharixiinta

0

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay madaxda dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo xubno ka tirsan midowga Musharixiinta dalka.

Kulankan ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Warfaafintan Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo faah faahiyay waxyaabihiii looga wada hadlay.

Wasiirka ku-xigeenka  ayaa sheegay in ujeedada kulanka uu ahaa sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga iyo deganaanta muqdisho isla markaana looga hortegi karo waxkasta oo keeni kara dhibato.”ayuu yiri Wasiir Al Cadaala.

Dhinaca kale waxaa uu intaa ku darray in ay ka wada hadlleen madaxda in dalka ay si deg deg ah uga dhacdo doorasho asal u ah heshiiskii 17-kii September, isla markaana dhinacyada oo dhan ay xoogooda u mideeyaan sidii looga fogaan lahaa wixii dalka horseedi kara xasilooni darro.

Kulanka ayaa imanaya xili dhawaan Ra’iisal Wasaare Rooble uu taageeray go’aankii madaxda dowlad gobolleedyada dalka Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku qaadaceen mudado kororsiga labada sano ee dhawaan Baarlamaanku meeelmariyay.