Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo gaaray Sacuudiga

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasoo ah safarkii u horeeyay uu ku tago meel ka baxsan Afrika, tan iyo markii horaantii bishii April uu si rasmi ah loogu dhaariyay xafiiska.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu casuumaad rasmi ah uu ka helay boqorka Sacuudiga Salman Bin Abdulaziz.

Inta uu ku guda jiro Booqashadiisa Sacuudi Carabiya waxay kulan labo geesood ah oo looga hadlayo xiriirka labada dal ay wada yeelan doonaan Boqorka Sacuudiga

Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Sacuudiga iyo Itoobiya ayaa sanadihii u dambeeyay ahaa mid aad u xoogganaa.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu xafiiska qabtay 2-dii bishii April waxaa uu booqasho rasmi ah ku tagay dalalka Jabuuti, Sudan, iyo Kenya oo ah dalal deris la ah.