Ra’iisul Wasaaraha magacaaban oo kulamo bilaabay iyo xilliga la horgeynayo Baarlamaanka…

0

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa ka bilaabay magaalada Muqdisho dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo bilow u ah dadaalka uu ugu jiro inuu Baarlamaanka ka helo codka kalsoonida.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa caawa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/weli Muudey iyo Xildhibaano kale.

Kulamadan oo isugu jiray is barasho iyo sidii Baarlamaanka uga heli lahaa taageero ayaa ahaa mid is faham badan ka muuqday, iyadoo Guddoonka Golaha Shacabka ee ay hoggaaminayaan Mursal iyo Muudey balan-qaadeen taageeradooda ansixinta Ra’iisul wasaaraha magacaaban.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay taageerada ansixinta ay ku xiran tahay shuruud ah in Mursal iyo Muudeey xubno ku yeeshaan Golaha Wasiirada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa la kulmay Guddiga qaban qaabada Munaasabadda xil wareejinta oo uu maanta magacaabay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.

Maalinta Isniinta ayaa Baarlamaanka la horgeynayaa Ra’iisul wasaaraha cusub, si codka kalsoonida loogu qaado, iyadoo lagu wado marka la ansixiyo in maalin kaddib la soo dhiso Xukuumad cusub oo ay ka dhex muuqan doonaan inta badan Wasiirada Xukuumaddii dhacday.