Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga  Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Rooble uu la yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ayaa looga hadlay hufnaanta doorashada kuraasta Banaadiriga, maadaama la filayao in doorashadooda la qabto.

Kulanka waxaa Goobjoog ahaa Guddoomiyaha Guddiga Hirgalainta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

No description available.

Kuraasta Banaadiriga ee deegaan doorashadoodu tahay Gobalka Banaadir uuna Masuul ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ah kuraasta kaliya aan doorashadooda la bilaabin, halka dhammaan DG iyo Gobalada Waqooyi Soomaaliland ay socoto doorashada Baarlamaanka 11aad.