Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay Xildhibaannada laga soo doortay Ceelwaaq ee Gobalka Gado.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan casho ah la qaatay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee dhawaan lagu doortay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan casho ah la yeeshay 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, isagoo ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran, kuna boorriyay in ay dalkooda si hufan ugu adeegaan.” Sida lagu yiri qoraal lagu daabacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Dhankooda 16-ka Xildhibaan ee laga soo doortay degmada Ceelwaaq ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay doorkii uu ka qaatay doorashada iyo hab-dhaqanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya guud ahaan iyo dadaalka uu muujiyay.

Xildhibaanada lagu soo doortay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa si weyn uga horyimid Villa Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFSSheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in Xildhibaanadaasi ay yihiin kuwa saxda ah.