Ra’iisul Wasaare Rooble oo 4 qodob la tegaya kulanka uu la yeelanayo Farmaajo.

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa 4 qodob la la tegaya kulanka maanta lagu wado in uu la yeesho Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday kaddib dedaallo kala duwan oo ay bilaabeen Madaxweynayaasha DG Galmudug & Koofur Galbeed.

Rooble ayaa labada Madaxweyne Dowlad-Goboleed ee Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor u sheegay in aanay ka tanaasuli doonin afartaan qodob ee kala ah:

  1. Shaqo ka joojinta Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
  2. In Bashiir Maxamed Jaamac Goobe uu yahay Taliyaha KMG ah ee NISA maadaama uu u xilkaas u magacaabay.
  3. In Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka uu yahay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.
  4. In Kiiska Ikraan Tahliil ay baarto Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo loo gudbiyay Xeer ilaalinta Maxkamaddaas si cadaaladda loo horgeeyo dadkii ka dambeeyay kiiskeeda.

Farmaajo ayaa ku qancay xil kaqaadista Fahad Yaasiin waxaana uu u magacaabay la taliyaha Amniga Qaranka, balse waxa uu doonayaa in Kiiska Ikraan Tahliil si gaar ah loo xaliyo maadaama ilaa haatan uusan ka hadlin arrinta inantaan.

Mustaqbal