Roobab mahiigaan ah oo Xalay Dad ku diley caasimadda Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya roobab xalay da’ay ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uu xalay fiidkii ilaa xilli dambe ka soconayey raab aad u xoog badan.Roobabka ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo lagu diirsaday oo ay ku qabowsadeen shacabku.

Roobka ayaa biyo dhigay qaar ka tirsan wadooyinka waa weyn, sida ay muujinayaan sawirro laga soo qaaday.

Roobabkan ayaa geystay khasaare Nafeed iyo mid Hantiyadeed, maadaama ay ahaayeen kuwo xoogan, oo mudo saacado ah Da’ayay.

Inta la ogyahay Saddex Qof ayaa Degmooyinka Warta-nabadda iyo Boondheere ee Gobolka Banaadir ugu geeryootay Roobabkii xalay ka Da’ay Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Gobolada dalka ee qaarkood Abaaraha ay ka jiraan ayaa waxaa ka Da’ay Roob ay dadka ku nimceesteen, maadaama Abaaro xoogan ay ka jiraan dalka.

Gobolada dalka gaar ahaan Koonfurta iyo Degaanada Puntland waxaa laga soo wariyay in ay ka Da’een Roobab ay ku nimceesteen dadka iyo Duunyada.