Rooble oo rajo ka muujiyay shirka arrimaha doorashooyinka

0

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey mira-dhalka shirka loo balansan yahay inuu maanta Muqdisho ka furmo.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa soo saaray qoraal ka kooban shan qodob oo uu ugaga hadlayo yididiiladiisa kulanka.

Qoraal kooban oo bartiisa arrimaha bulshada uu soo dhigey ayuu ku sheegay;

1 – Waxaan u diyaar garownay shirka golaha wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka.

2 – Waxaan filayaa in si habsami leh uu noogu furmo, guulna noogu dhamaado, si dalku u aado doorasho daah furan oo heshiis lagu yahay.
3 – Waxaa iga go’an fududeynta wax kasta oo horseedi kara in shirkani uu guuleysto.

4 – Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda dadaallada aan wadno, waxaana ka codsanayaa garab istaag.

5 – Waxaan Eebbe ka baryayaa inuu howshan noo fududeeyo.

Dowlada Federalka ayaa ku adkeysanaysa in uu shirku maanta furmayo iyadoo dhammaan madaxda maamul goboleedyada marka laga reebo madaxweynaha Galmudug ay ka maqan yihiin caasimada dalka ee Muqdisho.

rooble oo rajo ka muujiyay shirka arrimaha doorashooyinka