Rooble oo Safar aan la sii shaacin ku gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo saakay waabarigii ka baxay magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa safar aan la sii shaacin ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

War ka soo baxay Xafiiska wasiirka 1aad ayaa lagu sheegay in safar howleed uu Rooble ku tagay degmada Balcad inkastoo aan lagu cadayn war u jeedka rasmiga ah socdaalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

May be an image of 1 person and road

Qoraalka ayaa intaasi raaciyay in booqashadan Rooble ugu kuurgalayo xaaladaha amni nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan iyo halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

 

Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Booliska Soomaaliya, taliyaha booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha KMG ah ee NISA iyo saraakiil kale ayaa socdaalka qayb ka ah.

Degmada Balcad ayaa ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hirshabeelle Waxay qiyaastii 36 kiiloomitir waqooyi bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.