RW Kheyre oo isla Xisaabtan layeelan doona golaha Wasiirada dowladda iyo mid waliba waxa uu u qabtay dalkiisa..

0

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa la-xisaabtan la yeelanaya Golihiisa Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta.

HALKAN KA DHEGAYSAO COD

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay maalmaha Sabtida iyo Axada ee Todobaad walba in R/wasaaraha uu mid mid ula fariisanayo Wasiirada.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Wasiirada ka dhageysanaya waxa ay qabteen iyo howlaha horyaala Todobaadkaas.