RW Mette Frederiksen: “Caasimadeena quruxda badan ee nabdoon ayaa ilbiriqsiyo lagu baddelay”.

0

Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen oo ka hadashay weerar uu nin hubeysan oo 22 jir ah ku qaaday Xarumaha Ganacsiga ugu weyn ee Dalkaas gaar ahaan dhismaha “Copenhagen mall” oo sababay dhimashada 3 ruux iyo dhaawaca 3 kale.

Mette waxa ay ku calaacashay in Caasimadda Dalkeeda oo ah meel qurxoon oo nabdoon uu ka dhacay weerar lagu qalbi-jebiyay, iyada oo falkaas ku tilmaamtay in uu ahaa weerar waxa ay reer galbeedku ugu yeeraan “Fal Argagixiso”.

“Ma heyno macluumaad dheeraad ah oo muujinaya in Dad kale ay ku lug lahaayeen weerarka Argagixiso, Denmark waxa ka dhacay waa weerar Naxariis darro ah” ayay tiri Ra’iisul Wasaaraha Denmark.

“Caasimaddeena quraxuda badan oo ah meel nabdoon ayaa ilbiriqsiyo lagu baddelay, waa in aan gacan adag ku qabanaa kuwa qalbi jebinaya nabadgalyada dalkeena ee u baddelaya muuqaalka aan wanaagsaneen” Sidaasi waxaa ku calaacashay Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen.

Soren Thomassen oo ah Taliyaha Booliiska Copenhagen ayaa Warbaahinta u sheegay in kiiska ay hayaan uu yahay “Dhimashada 3 ruux & dhaawaca 3 kale, weerarkaasina uu fuliyay Nin 22 jir ah oo uusan sheegin magaciisa”.

Saraakiil kale oo u hadashay Dowladda ayaa sheegay in Ninka weerarka geystay uu heysto Dhalashada Denmark mana bixin faah-faahin intaas ka badan balse maanta ayuu wajahayaa Maxkamad oo xukun adag la marin karo.