RW Rooble oo maanta booqday degmada Deyniile

0

Ra’iisul Wasaaraha XFSoomaaliya Mudane  Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad ay bulshada Degmada Dayniile ku soo dhaweynayeen, kuna taageerayeen hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Rooble ee arrimaha doorashooyinka iyo xasilinta caasimadda, kaasi oo lagu qabtay xarunta Degmada Deyniile.

Munaasabadda oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Degmada Deyniile ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya, xubno ka socday labada Gole ee Baarlamaanka, maamulka Gobolka Banaadir, Mas’uuliyiin iyo dadweyne aad u fara badan oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taageeraayaan Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey bulshada degmada Deyniile tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga caasimadda iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka iyo bilicda Gobolka Banaadir maadaama ay degmada Deyneele leedahay goobo dalxiis oo soo jiidasho leh.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa adkeeyey ballan-qaadka Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka  doorasho daah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, lagana fogaado dhaliilaha aan wax dhisayn, si loo sii amba-qaado qabsoomidda doorashada.

Dhankooda, waxgaradka, aqoonyahanka iyo bulshada degmada Deyniile ee kulanka soo agaasimay ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaraaha iyo Xukuumadda uu hoggaaminayo dadaalka ay ku bixiyeen horumarinta hannaanka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyo sida ay uga go’an tahay Ra’iisul Wasaaruha in uu xiriir dhow la yeesho qeybaha bulshada, una tixgelinaayo talooyinkooda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa uu kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Deyniile iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Deyniile.