RW Rooble oo Muqdisho dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka qaybgalay shir looga hadlay Abaarta oo ka dhacay Geneva.

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kaddib markii uu ka qaybgalay shir looga hadlay abaarta oo ka dhacay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirkaas ka jeediyay khudbad uu uga warbixiyay xaaladda abaarta Soomaaliya, dedaalka Xukuumadda iyo kaalmada ay u baahan yihiin qoysaska saameynta taban abaartu ku reebtay.

Hay’ado iyo Wakiilo kala duwan oo ka kala socda waddamada dhaqaalaha ku yabooha ayaa shirkaas ka sheegay in door firfircoon ay ka qaadanayaan wax ka qabashada duruufaha adag ee Abaarta laga dhaxlay.

Qaramada Midoobay ayaa warbixinno is daba-joog ah oo ay soosaartay ku sheegtay in xaalad cunno la’aan ah oo sababi karta macluul in ay ka taagan tahay waddamo Soomaaliya ay ka mid tahay iyada oo ay u dalabtay lacag lagu iibiyo gargaar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa Guddi u xilsaaray u gurmashada qoysaska ay saameynta taban ku reebeen Abaarta, Ayaxa, Isbadelka Cimilada iyo nabadgalyo darrada ee ka barakacay deegaannadooda.