RW: Xamsa: Caqliga Soomaaliga aan xal u helno! waa halkaas meesha ay musiibadu ka taagan tahay!

0

RW Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayey munaasadab soo dhoweyn oo loogu qabtay Muqdisho ayaa muujiyey caqabadaha dalka haysta ee la xiriira Nabadgelyada, Abaaraha iyo collaadda horseedday in horumarka Dalka oo dhami uu noqdo mid cuuryaan ah iyada oo ay jiraan fursadaha taageeri kara in Soomaaliya  horumar weyn ka sameyso dhinacayada  Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo dhismaha dowladda.

RW Xmas ayaa yiri: “Ma lagu qanci karaa oo caadi ma tahay in aan halkan iyo Jowhar diyaarad u kala qaadano oo Kismaaya iyo halkan aan diyaarad u kala qaadano oo meel walba oo aan rabo in aan tago oo kamid ah dalka ay tahay in aan diyaarad ku tago, Wax walba oo dhib ah xal ayaa loo heli karaa haddii Caqliga xal loo helo, waa kaas kan ay musiibadu ka taagan tahay”

Ra’isalwasaaraha ayaa sidaas oo kale waxa uu xusay in aysan suuragal iyo wax lagu qanci karo ahayn in meesha uu deggan yahay ay ku waardiyeynayaan ciidan Shisheeye ayna ka illaalinayaan qof kale oo Soomaali ah, isaga oo xusay in waxaas oo dhan ay sabab u tahay sida uu sheegay Caqliga Soomalaiga oo aan u shaqeynin si sax ah

MW Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Xamsa Cabdi Barre; u magacaabay RW 21aad ee Xukuumadda Soomaaliya 15-June-2022, isaga oo codka Kalsoonida ka helay Golaha Shacabka BFS 25-June-2022,, 220 Xildhibaan oo xaadirtay kulanka Golaha Shacabka oo codka kalsoonida siiyay RW Xamsa.