RW Xamsa oo Shacabka ka dalbaday in ay gacansiiyaan Ciidamada DFS.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa Shacabka ka dalbaday in ay gacansiiyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya si ay uga guuleystaan Al-Shabaab kuna xoojiyaan Amniga.

Xamsa Cabdi Barre, Wasiirka koowaad ee XFS ayaa sheegay in Xukuumadda laga sugayo ay ka shaqeyneyso isku xirka iyo wada shaqeynta Shacabka Soomaaliyeed & Ciidamada Dowladda si wax looga qabto amni darrada.

Waxa uu tusaale usoo qaatay shacabka Dowlad-Deegaanka Soomaalida oo garab siiyay Ciidanka Liyuu Booliis oo dagaal la galay Al-Shabaab, wadajirkooda ayuu sheegay in looga guuleystay dagaalamayaasha Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

“Bulshada waa in la wacyigeliyaa oo waa in aan wadatashanaa oo aan dhahnaa sidee nimanka isu dhaafinaa, waana in aan aaminsanahay in hal tallaabo oo horumar ah qaadi karin oo aan adeeg la sameyn Karin oo aanay is caawin Karin haddii aan amniga la sugin” ayuu yiri RW Xamsa Cabdi Barre.

“Waxa aan rabnaa Culimada, Ganacsatada, Ardayda, Haweenka & dhammaan qaybaha kala duwan ee Shacabka u dhaqaaqnaa ka shaqeynta amniga oo dagaalka galno inta aan tashano dhaqaaqno, Askari Soomaaliyeed weligii ma guuleysan haddii aan garab taagneen Gabdhaha Soomaaliyeed, tusaalaha cusub waa deegaanka aan deriska nahay waad ogtihiin weerar baa lagu qaaday maalmo ayaa lagu soo afjaray sababtu waxaa waaye Gabdhaha carigaas joogay From Jigjiga oo garab istaagay meel kasta waxa ay ka sameeyeen (Station) xarun ay ku uruuriyaan Cuntada & Biyaha, wiilasha markii way dardareen nimankii waxaasna waa taageerada Shacabka” RW Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo laga sugayo Xukuumaddiisa ayaa heysta in ugu dambeyn 4ta August 2022 uu kusoo gudbiyo Golihiisa Wasiirada, waxa uu ballanqaaday in Bulshada ahmiyad weyn uu ka siinayo Golahaas.