RW Xamse: “Muddada Golaha Shacabka BFS isiiyay waxa aan kusoo dhisi doonnaa Xukuumad tayo leh”.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka muddo-siinta dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ka codsaday.

Muddo kor dhinta loo sameeyay Ra’iisul Wasaare Xamse ee magacaabista Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ayuu sheegay in ay sabab u ahaayeen caqabadahii ka dhashay doorashadii iyo is aaminaad la’aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ay tani ku qasabtay “dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada, taas oo u baahan is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hay’adaha Qaranka.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Codsiga uu diray Ra’iisul Wasaare Xamse Golaha Shacabka BFS ayuu ku yiri “Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn Xamse Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in uu soo dhisi doona xukuumad tayo leh, taas oo xaqiijin karta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.