RW Xamse oo dhisaya guddi-howleed qaabilsan gurmadka Abaaraha.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa todobaadkaan lagu wadaa in uu ku dhawaaqo dhismaha guddi-howleed qaabilsan gurmadka Abaaraha, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Guddigaan uu dhisayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ahaan doona Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bini’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha, xarunta Qaran ee howlgallada gurmadka degdega ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaarradaha ku legleh howgallada samafalka iyo Dowlad Gobaleedyada.

Afhayeenka Xukuumadda ahna Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Farhan Jimcaale, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddigaan uu hormuud ka yahay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sii sheegay in Xukuumadda Dan Qaran ee uu Hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in todobaadkaan shaqada ay xoogga ku saari doonta wax ka qabashada gurmadka Abaaraha, isaga oo carrabka ku dhuftay in Dowladda ay xoogga saari doonta wacyi galinta Bulshada ee gurmadka Abaaraha.

“Waxa ay dowladda xoogga saari doonta wacyigalin ballaaran oo dhinaca warbaahinta, iyada oo loo isticmaali doona dalka iyo dibadda, Bulshada Soomaaliyeed yar iyo weyn ay qeyb ka noqondoont” sida uu yiri Afhayeenka Xukuumadda.

Dhanka kale Xukuumadda ayaa ka codsatay Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka iyo shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo ku kala nool Dalka gudihiisa iyo dibadda, in ay arrimaha samafalka il gaar ah ku hayaan, garab ku siiyaa Dowladda Soomaaliya sidii dhibaatadaas looga jawaabi lahaa.

Dadka ku barakacay Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa lagu qiyaasayaa in ay kor u dhaafeen illaa hal milyan oo qof, iyada oo Qaramada Midoobay ka digtay in abaaraha ka jira gudaha Soomaaliya ay isku bedeli doonaan macaluul baahsan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Xafiiska isku-xirka gargaarka Bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay ee loosoo gaabiyo UN OCHA ayaa sheegay in bishii July oo keliya, in illaa 83,000 oo qof ay guryahooda ka barakaceen abaaraha jira dartood, waxaana meelaha ugu daran ku jira gobollada Baay, Banaadir iyo Gedo.

Sidoo kale Hay’adda UNICEF ayaa iyaduna sheegtay in illaa 500 oo caruur ahi in ay u dhinteen nafaqo-darro ka dhalatay abaaraha daran ee ka jira gudaha Soomaaliya, kuwaas oo in ka badan 7 milyan oo qof  ay saameysay.

Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha oo booqday Maagaalooyinka ay abaartu saameysay ee ka tirsan Dowlad Gobaleedyada; Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in Abaartu ay isku badashay macluul taas oo halis ugu jiraan caruurta.