Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarahii 9aad ee JFS.
Ugu horreyn Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii todobaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, isaga oo Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin iyo tusaalooyin ku aaddan howlaha horyaalla marka uu hello Kalsoonida golaha shacabka.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ayuu Madaxweyne Shariif ku yiri “Waxaa isoo booqday Ra’isulwasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, soo dhoweyn iyo hambalyayn kadib waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka.”
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee XFS Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii sideedaad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo u rajeeyay Ra’iisul Wasaaraha in uu Rabbi u fududeeyo masuuliyadda Qaran ee uu dalka iyo dadkaba loogu doortay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed in ay si dhow ula shaqeeyaan dowladdooda, si loo sii amba-qaado dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna. Sida uu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.
Ugu Dambeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hoygiisa ku qaabilay Xamse Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS, iyaga oo ka wada hadlay geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya iyo qaabkii si iskaashi leh oo wadajir ah loogu dhaqaajin lahaa howlaha la xiriira arrimaha xasaasiga ah ee dowladnimadeenna lafdhabarta u ah. Sida uu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.
Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wada kulamo uu la yeelano Madaxdii hore ee Dalka soo martay, isaga oo kulamo kala duwan la yeeshay Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS iyada oo lagu wado in uu hor tago si uu weydiisto codka kalsoonida.