Waxaa maalintii labaad ka socda Magaalada Tunis ee Caasimadda Dalka Tunisia Shirka Caalamiga ee Tokyo ee Horumarinta Afrika, kaas oo ay ka soo qeyb galayn Madaxda Waddmada Qaaradda Afrika ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la filay in uu khudbadiisa diiradda ku saaro xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan Amniga, Siyaasadda iyo Abaaraha, xilli waddmada geeska Afrika ay ka jirto Abaar aad u daran taas oo saameysay dadka iyo duunyada, iyada oo Soomaaliya ay Abaartaas Saameyn ku reebtay.
Shirka oo daahfuray Madaxweynaha Dalka Tunisia Qays Saciid 27 August 2022-ka ayaa looga wada hadlaya iskaashiga dalalka qaaradda Afrika iyo dowladda Japan oo uu damac kaga jiraa sidii ay u soo jiidan lahayd hoggaamiyaasha Qaaradda Afrika.
Japan ayaa rabta in ay Afrika ka gacansiiso Taageerada Bani aadamnimo maadaama xaalado dhanka nolosha ah oo ay kamid tahay Abaar ay a jirto iyada oo waddamada qaar weli la dhibaateysan kasoo kabashada Saameynta taban ay ka dhaxleen Covid-19.
Sidoo kale Dalka Japan waxa uu Afrika ka gacansiinayaa Horumarinta Maalgashiga, Beeraha, Sameynta Warshado & in ay heli karaan lacago amaah ah oo ay wax ku qabsan karaan iyaga oo aanay waqti badan ku qaadan doonnin bixinta lacagahaas la amaaniyo.
Waa shirkii 8aad ee noocaan oo kale ah laga soo billaabo 1993dii, Xukuumadda Tokyo ayaa daneeneysa in ay xoojiyo galaangalka ay ku dhex leedahay Qaaradda Afrika iyada oo miisaankeeda isugu geyneysa sidii ay u adkeyn lahayn fursadaha u muuqda.
Afrika waxaa ku tartamaya waddamada Mareykanka, Shiinaha & Ruushka, halka ay jiraan Dalal kale oo billaabay in ay xiriir la sameystaan waddamada qaar ee Qaaradda sida Faransiiska & Jarmalka, Japan ayaa door firfircoon ka qaadaneysa qudheeda.