RW XFS oo kormeer ku tagay Xerada ay deggan yihiin Cutubyo ka tirsan CXD ee tababarka ku soo qaatay Ereteriya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay deggan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka dhowaan ku soo qaatay waddanka Ereteriya.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ay hoos yimaadaan Ciidankaan kuwaas oo tababar ku siiya Xerada Jeneraal Goordan, isaga oo la hadlayay Ciidanka ayaa sheegay in uu ku garab siin doono sidii ay u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo cisigii shacabka Soomaaliyeed.

“Waa la idin sugayay, laba qolo ayaa idin sugayay; qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay waa Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina, qolona way idin sugeysay laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, khawf, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun yihiin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa baaq u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan AS, in ay fursad heystaan oo la joogo xilligii ay isku soo dhiibi lahaayeen intii qaban lahaa iyaga oo dambi gacmaha kula jira. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

2 January 2023-ka  Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo ka socda inta badan Gobollada Dalka.

Ciidanka oo gaaraya tiradooda guud 5,000 oo askari ayaa 21 December 2022-ka Diyaarad siday Cutubkii ugu horeeyey oo kamid ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu Tababaray dalka Eritrea, ayaa soo gaartay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Cutubyadaan ku sugan Muqdusho oo gaaraya 500 ayaa waxa ay hordhac u yihiin 5,000 askari kuwaas oo tababar loogu qaaday Dalka Eritrea, halkaas oo ku maqnaayeen in kabadan seddex sano, iyada oo ay dirtay dowladdii hore ee uu Hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.