Sadiq Khan oo markale loo doortay Duqa London!

0

Duqa Magaalada London Sadiq Khan oo xubin ka ah Xisbiga Mucaaradka ee Labour Party ayaa loolan adag la galay Shaun Bailey oo garab ka heysta Xisbiga Talada haya ee Conservative-ka oo ku tartamay hoggaaminta Caasimadda Ingiriiska.

Natiijada Aftida waxa uu Sadiq Khan helay 55.2% halka Shaun Bailey uu dhankiisa hantay 44.8% codadkii ay dhiibteen dadka kala dooranayay hoggaaminta Magaalada London oo ay ku nool yihiin Bulsho aad u badan.

“Waxa aan aad u qadarinayaa kalsoonida ay reer London igu siiyeen Codkooda in aan sii wado hoggaaminta Magaalada ugu weyn Dunida, xaqiiqdii waxa ay ii tahay in aan heysto taageerayaal, waxaana ballanqaadayaa in aan diiradda saaro shaqo abuurka dadka kunool London” Sidaasi waxaa yiri Sadiq Khan oo Guusha kadib hadlay.

Magaalada London waxa ay soo jiidatay indhaha shuruuc kala duwan, inkasta oo ay saameeyeen xaaladaha ka dhashay Xannuunka Covid-19 & qorshaha bixitanka Britain ee Midowga Yurub Brexit.

Khan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ah ee sida weyn u dhaleeceyay ka bixitaankii Ingiriika ee Midowga Yurub ee Brexit iyo Ra’isul Wasaareyaashii xisbiga talada haatan haya ee Boris Johnson oo xitaa aabihiis ka dhiidhiyay tallaabadaas.

Mustaqbal