Saraakiil Maraykan ah oo gaaray Dhuusamareeb iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug oo la kulmay

0

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug kulan gaar ah kula qaatay saraakiil ka socotay Wasaaradda Gashaandhiga Mareykanka gaar ahaan qaybta hawlgaladda ee Africa ee la dagaalanka Argagixisada.

Kulanka oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa looga hadlay sidii Ciidanka Danab ee uu tababaray Mareykanka ay saldhig uga furan lahaayeen magaalada Dhuusa-mareeb.

Kulanka kadib ayaa masuuliyiinta Galmudug iyo sarakiisha Mareykanka waxa ay soo indha indheeyeen goobta loogu tala galay in laga hirgeliyo saldhigga Ciidanka Danab, sidoo kale kormeerka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug iyo saraakiisha saldhigga ciidanka Danab ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

“Maanta waxaa na soo booqday saraakiil ka tirsan ciidanka Mareykanka, waxay kulan gudaha garoonka kula qaateen Madaxa xukuumadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug, waxay noo balan qaadeen in Dhuusa-mareeb ay ka hirgelin doonaan saldhiga ugu weyn ciidanka Danab ee maamul goboleedyada, kormeer ayay ku soo sameeyeen goobaha loogu tala galay ciidamada, marka saldhigan la hirgeliyo waxaa laga soo guuri doonaa midka ku yaalla Gaalkacyo”. Ayuu yiri Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa Dowladda Soomaaliya ka taageera hawlgaladda sida gaarka loo fulliyo sida Duqeymaha, waxayna Saldhigyo ku leeyihiin qaybo ka mid ah Soomaaliya.