Sargaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay gobalka Hiiraan

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ka sameeyay deegaan qiyaastii dhinaca Bari kaga beegan magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Waxaana Saraakiisha dowladda ay sheegeen  halkaasi ay ku dileen illaa 6 ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Axmed Maxamed Muuse oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in lagu dilay howlgalka sarkaal lagu magacaabo Jiiroow Cismaan Cali.

Sidoo Kale Axmed Maxamed ayaa sheegay in ciidamada howlgalka fuliyay uu mid ka mid ah ka geeriyooday halka laba kalana ay ka dhaawacmeen.

Ciidamada dowladda ayaa waxa ay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxa ay ka wadaan gobolada dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here