Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Galmudug ayaa maanta diiwaangelinaya musharixiinta u tartameysa 6 kursi oo kamid ah kuraasta Deegaan Doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.
SEIT Galmudug ayaa doorashada kuraastaan qabanaya 5ta Maarso 2022 oo ku beegan Sabtida maanta waxaa la diiwaangelinayaa musharixiinta u tartameysa kuraasta kusoo baxay diiwaanka Guddigaan.
Odoyaasha dhaqanka ee Beelaha leh kuraasta ayaa dhankooda soo gudbinaya Ergada Dooraneysa kuraasta kala ah: HOP#001, HOP#013, HOP#017, HOP#020, HOP#060 & HOP#101. Guddiga ayaa saddex kamid ah u xiray qoondada Dumarka.
HOP#001: Warsame Maxamed Xasan Joodax ayaa ku fadhiya kursigaan.
HOP#013: Maryan Maxamed Xuseen.
HOP#017: Duniya Maxamed Cali.
HOP#020: Cali Axmed Shariif Cismaan.
HOP#060: Ubax Tahliil Warsame.
HOP#101: Xirsi Aadan Rooble.
DG Galmudug ayaa soo gabagabeysay Doorashada Kuraasta Magaalada Dhuusamareeb oo ah deegaan Doorashada koowaad ayaa u jiheysatay qabashada Xildhibaannada kuraastoodu taalla Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.