Shariif Xasan oo si adag u weeraray Farmaajo iyo Khayre kana hadlay Xariga Rooboow

0

Madaxweynihii hore Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu khudbadiisii Caleemo saarka Axmed Madoobe ka sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka doorashada Jubbaland udhacday.

Waxa uu dib uxasuustay 2018 dhiigii lagu daadiyey iyo Shacabkii la laayey,Dawlada Dhexena ay Fool xumo ku aheyd wixii dhacay.

Shariif Xasan Ayaa ku Eedeeyey Dawlada inay Dagaalkeeda siyaasadeed uusan aheyn mid ku dhisan Sharci sidaa awgeedna ay muhiim tahay waxa socda inay wax ka badesho.

Waxa uu Shariif Xasan ku baaqay in lasoo daayo dadkii Doorashadii Koonfur Galbeed ka dhacday awgeed Xabsiga loo geliyey sida Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur.

Ugu dambeyn waxa uu ka digay in muddo kororsi Dawlada Hadda jirta sameyso isagoo sheegay in taas laga ogolaan doonin