Shiinaha oo Ruushka & Ukraine ugu baaqay in ay dib u billaabaan wadahadalka nabadda lagu raadinayo.

0

Wei Fenghe, Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ayaa sheegay in Xukuumadda Beijing ay taageereyso in dib loo billaabo wadahadalka Dowladaha Ruushka iyo Ukraine si ay xal uga gaaraan dagaalka labada Dal.

Wasiirka Difaaca Shiinaha ayaa sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in miiska wadahadalka la isugu tago si ay u wada xaajoodan dhabbaha xalka nabaddana cagta u saaraan Xukuumadaha Moscow & Kyiv.

“Waa maxay sababta ka dambeysa dhibaatadan? Waa kuma maskaxda ka dambeysa arrintan? Yaa ugu khasaara? Yaase u taagan in uu faa’iido badan helo? Yaa nabadda u ololeynaya yaase dabka ku sii kordhinaya? Waxa ay ila tahay in dhammaan jawaabaha Su’aalahaan wada ognahay” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha.

Xukuumadda Beijing ayaa sheegtay in marweliba ay jirto dhanka nabadda jirto oo la micno ah in aysan marnaba aqbaleyn in uu sii socda dagaalka waqti dheeraaday ee sababay dhimashada, dhaawaca, burburka & barakaca.

Turkiga ayaa sheegay in uu dedaal xooggan gelinayo in markale ay kulmaan madaxda Ruushka & Ukraine si ay uga wada xaajoodaan soo afjaridda dagaalka si ay u madaxbannaan yihiin ay uga wada hadlaan arrimaha dhexdooda.

Ukraine ayaa garab ka weysay waddamada u ballanqaaday in ay la galayaan dagaalka Ruushka haddii Xukuumadda Moscow ay ku dhiirato in ay weerarto Kyiv balse markii uu billawday duullaanka Ruushka 24-kii Febaraayo 2022 waxa ay kusoo koobmeen dalalkaas cambaareyn iyo in ay hub u ballanqaadaan.