Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadlay Amniga Dalka, howlgallada wajiga 2aad & arrimaha Deyn Cafinta.

0

Magaalada Muqdisho Waxaa maanta ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle & Koofur Galbeed.

May be an image of 1 person and text that says 'ONS'

Shirkaan waxaa ka maqan Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo sidaan oo kale uga maqnaa kulankii ka dhacay Magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

May be an image of 12 people and suit

Maxaa looga hadlayaa shirka?

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa diiradda lagu saarayaa saddex qodob oo waaweyn oo kala ah: Amniga Dalka, howlgalka wajiga labaad ee la dagaalka ‘AS’ iyo Arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

May be an image of 9 people and suit

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaan shir Guddoominaya, waxa ay Madaxda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay uga arrinsanayaan sidii loo dhaqangelin lahaa qodobada ay kawada hadlaan.

May be an image of 8 people, suit and wedding

La soco wixii soo kordha.