Shirka Golaha Wasiirrada oo todobaadkaan diiradda lagu saaray Amniga & dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo todobaadkaan looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sida Amniga Dalka lagu sugi lahaa iyo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl gallada ka socda Goballada Dalka, qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta magaalooyinka laga xoreeyay waxa loogu yeero argagixisada.

“Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaaa  uu maanta golohu ka dhageystay qorshayaasha ay ka dejiyeen” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in qorshaha Xukuumaddiisa uu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo waxa loogu yeero argagixisada isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn. Sida lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay kulanka.

Goballada Hiiraan, Baay iyo Galgaduud ayaa waxaa ka socda kacdoon dadweyne, kaas oo ay Dagaal kula jiraan Al-Shabaab, xilli madaxda ugu sarreysa Dalka Sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha ay sheegeen in Dowladd ay taageeri doonta dadka iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku jira Dagaalka.