Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo maanta diiradda lagu saaray Amniga Guud ee dalka

0

Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay Amniga Guud ee dalka iyo dib-u-habeynta Hannaanka iyo Maamulka Dowladnimada casriga ah.

Ugu horeyn Shirka Golaha Wasiirrada ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixin ku saabsan amniga dalka iyo guulaha laga gaaray xoreynta iyo xasillinta dalka. Sida lagu yiri qoraal ka soo sabaxay shirka.

“Golaha ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyada oo guulo laga gaaray oo laga fuliyey qaar kamid ah gobollada dalka.” Ayaa lagu sii yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Golaha Wasiirrada  ayaa  loo soo bandhigay  Habka Maareynta Waxqabadka iyo Adeeg Siinta Bulshada oo wax badan kusoo kordhin doona Isbeddelka Qaybaha Dowladda, sida Hoggaaminta toosan, Maamul-Wanaagga iyo Hirgelinta Istiraatijiyadaha u Horseedi kara Soomaaliya Horumar Dhaqan-Dhaqaale oo Degdeg ah.