Sidee buu noqon doonaa Mustaqbalka Baarlamaan iyo Guddoonkiisa qeybsan yahay ?

0

Tan iyo markii uu soo if baxay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa Golaha shacabka hareeyay khilaaf iyo kala qeybsanaan, taasoo saameyn ku yeelatay howlihii caadiga ahaa ee Baarlamaanka.

 

Waa halista ugu weyn ee soo wajahda golaha shacabka, waana adag tahay in laga gudbo oo midnimada golaha las oo celiyo mar hadii Guddoonkiisa qeybsan yahay, waxaana loo nugulyahay faragelin shisheeye.

 

Illaa iyo hada wali laguma heshiinta goobta lagu qabanayo cod u qaadista mooshinka iyo xilliga la qabanayo, waana arrin sii cakirnaan hor leh sii gelineysa Baarlamaanka, iyadoo muddo labo todobaad aanu wax kulan dhicin, taas oo sii murjineysa xaalada.

 

Guddoomiye Jawaari oo ay mooshin ka keeneen tiro aad u badan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka waa adkaan doontaa inuu kalsoonida xubnaha baarlamaanka dib u hanto xitaa hadii uu mooshinka ka badbaado.

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay aya horay ugu soo jeediyay Guddoomiye Jawaari inta aan la gaarin cod u qaadista Mooshinkiisa inuu is casilo, taasoo ay ugala jeedeen in xataa hadii uu guuleysto in xaalada aanay waxba iska bedeli doonin, ayna adkaan doonto shir guddoonkiisa Golaha.

 

Fursada kaliya ee jiri karta ee Baarlamaanku dib ugu midoobi karo ayaa waxay noqon kartaa in guddoomiye Jawaari meesha ka baxo, Baarlamaankuna yeesho guddoon cusub oo ay ku midoobi karaan, sida ay aaminsan yihiin xeel dheerayaasha, isla markaana noqon karta xalka kaliya ee midnimada Baarlamaanka keeni karta.

 

Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in kala qeybsanaanta uu galay Golaha Shacabka ay horseedi karo xaalado hor leh, iyo habacsanaan ku timaada howlaha sharci dejinta, waxaana dad badan u soo qaadanayaan xaaladihii ka dhashay khilaafaadka Baarlamaanadii 7aad iyo 8aad ee aakhirkii Guddoonkooda meesha ka baxay