Sidee guddiyada FIEIT & SIEIT u xaqiijin karaan hufnaanta doorashooyinka baarlamaanka?

0

Sida lagu jideeyay Dastuurka Qabyada ah  ee 2012, gaar ahaan tirsiga labaad ee qoddobka 22aad, muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharcigu tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay in uu wax doorto, lana doorto, taas oo micnaheedu yahay in muwaadin kastaa uu xaq dastuuri ah u leeyahay in uu doorto Metalayaashiisa, sidoo kale muwaadinkii buuxiya shuruudaha ku xusn xeerarka iyo habraacyada kale ee doorashooyinku waxa uu xaq u leeyahay in uu isu soo taago ama isu sharraxo in la doorto.

Si taa la mid ah, hannaanka matalaadda dadwaynuhu waa inuu ahaadaa mid si ku filan oo macquul ah uga hortegi kara qalalaase ka dhasha tartanka siyaasadda iyo natiijooyinka doorashada sida lagu jideeyay tirsiga sedaxaad ee isla qoddobka 46aad ee DFKMG.

haddaba’ sida aan la soconno dalka waxaa ku soo foolle doorashooyin iskugu jira kuwa labada aqal iyo kuwa madaxtinnimada, doorashooyinka labada aqal waxaa loo sameeyay guddiyo doorasho oo iskugu jiro kuwa heer federaal iyo kuwa heer dawlad gobaleedka, sidoo kalane waxaa la magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka oo loo sameeyay xallinta khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka labada aqalka.

intaas waxaa dheer, waxaa jira maxkamadda sare ee dalka oo ayadu leh go’aanka ugu dambeeyay ee la xiriira murannada ka dhasha doorashooyinka oo looga caba karo go’aannada guddiga khilaafaafku ka gaaro murnnada doorashooyinka. si kastaba ha ahaatee, annga oo ka ambaqaadayna qoddobada dastuuriga ah ee aan soo xusnay , doorashooyinka labada aqalka waa in ay noqdaan kuwa xaqiijiya mabaadi’da dastuuriga ah ee kala ah:-

  1. Mid daah-furan oo cid kasta ay arki karto sida doorashu u socoto
  2. Mid loo siman yahay, oo cid kasta oo shuruudihii Xeerku tilmaamaayay buuxisa ay ka qaybgali karto
  3. Habraacyada iyo xeerarku waa inay ahaadaan kuwa fudud
  4. Hanaanka doorashadu waa inuu noqdaa mid hortegi kara qalalaase ka dhasha tartanka siyaasadda iyo natiijooyinka doorasha
  5. murannada iyo cabashooyinka waa in lagu xalliyaa hannaan caadil ah oo ku dhamaanaaya Maxkamadda sare ee dalka.

Maanta oo ah 16-July ayaa Guddiga doorashooyinka heer federaal soo saaray jadwalka doorashooyinka xildhibaannada labada aqal ee Barlamaanka FS, haddaba si doorashooyinka xildhibaannada labada aqal ugu dhacaan si hufan oo waafaqsan maabaadi’da guud ee doorashooyinka ee aan soo xusnay waxaa lama huraan ah in la ilaaliyo arrimahaan soo socda:-

  • Guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan waa inay raacaan si adagna u dhawraan mabaadi’da guud ee dastuuriga ee la xiriirta doorashooyinka iyo hanaanka matalaadda sidoo kalana waa inay ilaaliyaan shuruucda iyo habraacyada kale dorashooyinka ee isla gartay.
  • in bulshada rayidka loo oggolaado inay goobjog ka noqdaan sida doorashu u dhacayso si loo xaqiijiyo mabda’a daah-furnaanta doorashooyinka.
  • in guddiga khilaafaadku juhdi iyo waqti geliyaan xallinta khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka. xallinta khilaafaadka waa in loo raacaa habraac caadil ah oo la isla yaqaanno
  • in madaxda heerarkooda kala duwan, heer federaal iyo heer dawlad gobaleedba ka fogaadaan faragelinta doorashada iyo wax kasta oo mugdi geli kara hufnaanta doorashada
  • inaan lagu dhawaaqin natiijo muran ka jiro ilaa go’aan la wada oggolyahay laga gaaraayo ama maxkamadi ay go’aan ka gaarto.
  • inaan la oggolaan in tartanka uu dhiig ku daato sidii dhacday doorashadii 2016.

Si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka waawayn ee doorashooyinka loo qabanaayo oo ah, horumarinta nabadda iyo xisiloonida , dawlad wanaaggsa, iyo dhisidda hanaan dawladeed oo ku salaysan in Awoodda isxukunku ka bilaabato, kuna dhammaato shacabka, waxaan u arkaan in talooyinka sare ku xysan ay kaalin muhiim ah ka qaada karaa xaqiijinta hafnaanta doorashooyinka.

Qareen: Daahir Maxamed Cali